Tuniisiya oo dhaqangelinta handaraabka Covid-19 ROBOT u adeegsanaysa + Sawirro

0

(Tunis) 04 Abriil 2020 – Booliska Tunisiya ayaa xayiraad iyo bandow kusoo rogay guud ahaan dalkaas, waxayna shacabka ku amreen in ay guryahooda ku sugnaadaan taasoo qayb ka ah dedaalada dalalka caalamku ay ku doonayaan inay kaga hortagaan faafitaanka caabuqa CronaVirus.

Tunisa waxay samaysatay ama soo saartay robotyo fara badan oo isku nooc ah kuwaas oo qaab casri ah loo sameeyey waxaana loogu tala galay si loo hubiyo in muwaadiniintu u hogaansameen shuruucda xayiraadda bulshada ee looga golleeyahay xakameynta faafitaanka ViruskaCorona, waxaan arobotkan laga hagayaa xarunta booliska iyadoo ay jiraan saraakiil loo taba-baray inay ku shaqeeyaan robotkan.

In kasta oo dadka lugaynaya ay aad u yar yihiin magaalooyinka dalkaasi Tuniisiya iyo caasimada, balse Robot-ka booliska Tuuniisiya ay ay isticmaalayaan ayaa la geeyay inta badan waddooyinka waaweyn iyo xaafadaha wuxuuna usoo dhowaanayaa qof kasta oo lugaynaya isagoo waydiinaya sababta uu uga maqan yahay gurigiisa.

Wuxuu sidoo kale waydiinayaa sharciyad u ogolaanaysa qofka inuu xaafaddiisa kasoo boxo maadaama xaafadaha lagiu xayiray dhamaan dadka shacabka ah ee Tuunisiya, wuxuuna qofka ka dalbanayaa inuu tuso ama lasoo boxo warqada fasaxa ama kaararka aqoonsiga, iyadoo documentigaasi haddii uu sharci yahay laga arki karo xarunta booliska ee laga hagayo robotkan.

Dalka Tunisiya waxaa cudurka Crona ugu geeriyooday 14-qof halka uu haleelay ama ku dhacay 436 qof oo kale, balse waxaa ka socda dalkaas dedaalo adag oo looga hor tagayo faafitaanka CronaVirus.

Isha: Radio Muqdisho

Hadalsame Media