KENYA: Soomaaligii ugu horreeyay oo si rasmi ah looga sheegay Covid-19 (Maxaa ka socda xaafadda Islii?)

0

(Nairobi) 03 Abriil 2020 – Waxaa weli caalamka jafaya caabuqa corona oo iminka milyanka ka gudbey, iyadoo la saadaalinayo in aanu weli gaarin heerkii ugu sarreeysey ee uu soo hooban lahaa.

Weriye Yuusuf Maxamuud oo maanta tegey xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ee Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka sheekaynaya wixii uu soo arkay.

”Dalka Kenya maanta Soomaaligii ugu horreeyay ayaa laga helay COVID-19 sida ay warisay dowladdu.

”Waxaan sidoo kale aan la ogayn in bukaannada boqolka ka badan ee Kenyaatiga ah ay ku jiraan Soomaalida waddankan u dhalatay maaddaama aan qowmiyadaha bukaannada la shaacin.

Hal arrin oo Soomaalida meel kasta oo ay joogto lagu eedeeyay ayuu ka marqaati kacay.

”Maanta waxaan tagay xaafadda Soomaalida ee Islii oo ku taalla magaallada Nairobi, kuma soo arkin feejignaan dheeri ah oo dadka ka muuqata. Salaanta, showrka iyo la macaamilka dadka waxba iskama beddelin. Dad afku u duuban yahay waa naadir ama maba arkaysid.

”In qof Soomaali ah oo laga yaabo in uu Islii degganaa laga helay COVID-19 waa walaac hor leh oo astaan u ah halista ay ku jiraan Soomaalida oo aan si buuxda u raacaynin tilmaamaha caafimaad, hab-nololeedkooduna uusan saammaxaynin ay kala fogaadaan.

”Alle ha badbaadiyo ummadeenna meel kasta oo ay joogaan, adduunkana haka qaado cudurkaan.” ayuu kusoo koobay.

Waxaa Qoray: Yuusuf Maxamuud

Hadalsame Media