DAAWO: Hay’ado ka tirsan DF oo isku khilaafsan halka la dejinayo ciidamo ka imanaya Sucuudiga & Jabuuti

0

(Muqdisho) 03 Abriil 2020 – Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Ciidamada Asluubta ayaa sheegay in qaybo ka tirsa Istaadiyo Muqdisho oo dayactir ku socdo lagu karaantiili doono ciidamo Soomaaliyeed oo ka imanaya Sucuudiga iyo Jabuuti.

Ciidamadan oo gaaraya 500 oo askari ayay 300 ka imanayaan Sucuudiga, halka ay 200 kasoo duulayaan Jabuuti, waxaana durba la bilaabay in la xaar xaaro goobihii la dejin lahaa.

Yeelkeede, Wasiiradda Ciyaaraha, Marwo Khadiijo Diiriye, ayaa farriin haatan la tiray oo lasoo dhigay boggeeda Facebook lagu sheegay inaysan waxba ka ogayn ciidan lagu karaantiilayo tuulada Ciyaaraha ee Istaadiyo Muqdisho, cid soo waydiisatey aysan jirin, isla markaana aanay goobtaasi ahayn ”meel wax lagu karaantiilo.”

Hadalsame Media