Maxay tahay sababta JAALLAHA loogu taago laacibkii funaanadda iska bixiyay xilliga dabbaal degga?

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2020 – Waa maxay sababta loga mamnucay inay ciyaartoydu iska bixiyaan funaanadda marka ay u dabbaal degayaan gool dhalinta?

Waxan idin so gudbineynaa sababta ka dambeysa in loo diido iney iska bixiyan funaanadaha marka ay dabaal degayaan.

Ma jiro wax ka wanagsan in gool la dhaliyo marka la cayaarayo kubada cagta, haddii laacib gool dhaliyo waxa bilaabanaya sawaxan iyo qaylo laga bilaabo laacibkii goolka dhaliyay, macalinka kooxda ciyartooyda ah ilaa taagerayaasha kooxda.

Waxa jira qaabab badan oo loo dabbaal dego, qaar ayaa niiko ku dabbaal dega, kuwa ayaa kaalfooto ciyaara (qalmo rogad), kuwa ayaa jilbaha ku taraaraxa, mararka qaar waa lagu soo tala galaa dabbaal degga, marar qaarna xilligaas ayay kusoo dhacaan ciyaryahanka sida in funaanadda uu iska bixiyo laacibku.

Hase ahaate waxaa la mamnucay in funaanadda la iska bixiyo waqti aan sidaa u fogeeyn waxana lagu muteeystaa ganaax kaarka jaallaha ah, kaasoo roose noqonaya haddii aad jaalle hore sii qabtey.

Haddaba su’aasha la is weydiinayo ayaa ah waa maxay sababta ay FIFA u diidday falkaas?

FIFA ayaa sameeysay xeerkan cusub 1/7/2004-kii, taas oo xeerisay in ciyaaryahan kasta ee iska bixiya funaanadda isagoo u dabbaal degaya gool uu dhaliyay uu muteeysanayo kaarka jaallaha maaddaama uu jebiyay qaanunka ciyaarta.

Yeelkeede, waa lagu kala qeybsamay qaraarkas dadka qaar ayaana u arkay in aysan dhibaato ku jirin funaanadda oo la iska bixiyaa, halka kuwa kale u arkaan xeer wanagsan oo dani ku jirto.

Bilowgi hore waxa la aminsana in sababta loo soo saaray go’aankani uu ka dhashay fal uu sameeyay cayaaryahan Diego Forlan oo mar u cayaarayay  Manchester United xilli-ciyareedkii 2003-2004-kii iska bixiyay funaanada isagoo uu u dababal dagayay gool uu dhaliyay waxa u si kama’ ah taageerayaasha ugu tuuray funaanada haddiyad ahaan.

Yeelkeede, falku waxa uu xumaaday marki laga waayay qolka dhar beddelka funaanad waxa uuna ku khasbanaaday inuu feero qaawanaan ku dhameeysto ciyaarta.

Sidaas darteed FIFA ay go’aamisay inusan falkaasi mar dambe dhicin, waxayna soo saartay xeer ciqaabaya laacibki iska bixiya funaanadda.

Ciyaartooyda kubadda cagta aya Forlan eed dusha u saaray, laakiin waxa jiray qof kale oo watay kuna adkestay in la sameeyo xeerkan waxaana layiraahda Jereme Valcke kaas oo FIFA maamule uga ahaa Waaxda suuq geynta.

Valcke waa qofka curiyay in la ganaaxo laacibinta isagoo ku andacoonaya in haddii ay iska bixiyan funaanadda mar kasta oo ay gool dhaliyaan in shirkado badan oo wax ku xayeeysiista kooxaha ay u wareegi doonaan laacibinta qaar si marka ay goolal dhaliyaan ay isaga bixiyaan funaanadaha kooxdooda ayna laso baxaan fanaanado kale oo ay calaamado ganacsi ku xardhan yihiin si ay uga faa’iideystaan kaamiroyinka xiligaas iyaga ku foorara waxana khasaaro xooggan kaso gaarayaa kooxaha iyo xitaa FIFA oo balaayiin ku qaadata iidhehda.

Waxaa Diyaariyey: Foowsi Axmed

Hadalsame Media