DAAWO: Soomaali ku nool dalka Sweden oo qaadday tillaabo aad loo amaanay!

0

(Eskilstuna) 04 Maarso 2020 – Soomaalida ku dhaqan magaalada Eskilstuna oo u dhow caasimadda Swedeb ayaa shaqaalaha isbitaal caabuqa la tacaala oo halkaa ku yaalla raashin bisil ugu deeqay.

”Arrintani waa mid saamaysay dunidii oo idil,” ayuu yiri Cali Maxamed, oo ka mid ah ragga fikirkan keenay.

Waxay baraha bulshada ku ururiyeen 6500 oo karoon, taasoo ay u adeegsadeen inay makhaayad maxalli ah oo ku taalla Eskilstuna uga soo iibiyaan cunto fara badan.

”Qof kasta oo bulshada ka tirsan waa muhim inuu kaalmo gaysto,” ayuu raaciyey Cali.

Kooxdan Soomaalida ah ee cuntada isbitaalka geysey oo uu dhakhtar Soomaali ihi ka mid yahay, ayaa sidoo kale waxay diyaariyaan qoraalllo baraarujin ah oo af Soomaali lagu tarjumey.

Halkan ka daaw…

Hadalsame Media