Wiilal dil ka gaystey magaalada Dhuusamareeb oo xukunno lagu ridey

0

(Muqdisho) 05 Abriil 2020 – Askari hore ayay Maxkamadda Ciidamada ee Muqdisho waxay ku xukuntay dil toogasho ah kaddib markii uu qof rayid ah diley bishii hore.

Maxkamadda ayaa Maxamed Nuur Geeddi iyo jaalkiis Maxamed Cabdi Xasan ku heshay dembiga dilka wiil lagu diley magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda Galmudug Maarso 28, 2020.

Maxkamadda ayaa Geeddi toogasho ku xukuntay, halka Xasan lagu xukumay 5 sanadood oo xabsi ah.

Sida uu sheegay dacwad ooguhu, waxay labadan askariba ilaalo u ahaayeen Senatar Dhagey Geelle, waxayna ku eedaysnaayeen dilkii wiil dhallinyaro ah oo la oran jirey Shaafi Cabdi Xaaji.

Labadoodaba waxaa weli u furan inay rafcaan ka qaataan go’aankan muddo 30 maalmood ah.

Hadalsame Media