UK oo u muuqata mid ku joogta jidkii ay ku jabeen Talyaaniga & Spain (Imisa ayaa maanta oo qura dhimatay?)

0

(London) 03 Abriil 2020 – Dalka UK ayaa maanta oo qura waxay geeridu maraysaa 684 oo u rawaxday coronavirus dartii, taasoo tiro geeriyaadka guud ka dhigaysa 3,605.

Kororkan rikoodh jebiska ah ayaa maalinba sii kordhayey tan iyo Talaadadii, oo ay maalinba tax xigtaa ka geeri badnayd.

Shalaytoole waxay geeridu tusaale ahaan mareeysey 569 oo qof sida ay sheegtay Waaxda Caafimaadku, taasoo ka dhigan in maanta oo Jimce ah ay geeridu samaysay koror dhan 20%.

Waxaa kale oo jira tira-koob cabsi leh oo ah in geerida COVID-19 ee ay 5-laabantay hal todobaad gudihii, iyadoo Jimcihii tegey ee Maarso 27 ahayd 759 qof.

Horay ayaa soo saadaaliyey in UK ay ka dari karto sida ku dhacday Talyaaniga ama Spain, kaddib markii ay muddo sii socdeen howlaha caadiga ah, sida kulamada bulshada oo ay ciyaaruhu ku jiraan.

Wasiirka Caafimaadka, Matt Hancock, ayaa shalay ballan qaaday inay UK maalintii baari doonto 100,000 oo qofood, si ay u ogaadaan heerka faafitaanka caabuqan oo berri dhowayd la sheegayey inay hoos u dhacayaan kiisaska cusubi, balse u muuqda mid sii kobcaya.

Hadalsame Media