Horyaalka EPL oo lasoo jeediyey in Shiinaha loo wareejiyo (Kulan ay maanta yeelanayaan maamulka kooxaha EPL)

0

(London) 03 Abriil 2020 – Naadi ka tirsan Premier League ayaa soo jeediyey aragti ah in kulamada ka harsan horyaalka lagu dheelo dalka uu kasoo bilowday caabuqa corona ee Shiinaha.

Madaxda 20-ka naadi ee Premier League ayaa u ballansan kulan galabta lagu qabanayo dhanka muuqaal sidaha tooska ah, kaasoo looga arrinsan doono qaabkii loo badbaadin lahaa horyaalka EPL.

Sida ku qoran Athletic, mid ka mid naadiyada ayaa soo jeediyey in horyaalka loo raro Shiinaha oo 5,000 oo mayl u jira Ingiriiska.

Aragtidan ayaa u muuqata mid la diidi doono sida uu isla Athletic u sheegay mid ka mid ah madaxda kooxaha EPL.

Kooxaha ayaana ka cararaya ayaa magaan ama dib u celiyaan lacag dhan ugu yaraan £762M oo gini oo ay TV-yada uga iibiyeen kulamada harsan.

Madaxda EPL ayaa sidoo kale galabta ka arrinsan doona arrinta la isku mari la’yahay ee mushaar dhimista loo jeediyey laacibiinta halkaa ka ciyaarta.

Hadalsame Media