”Toogta! Anna waa aasayaa!” – MW Philippines oo diray digniin aan kaftan ahayn

0

(Manila) 02 Abriil 2020 – MW Philippines ee Rodrigo Duterte ayaa ka digey in la toogan doono qof kasta oo ku kaftama handaraabka la saaray jasiiradda Luzon la toogan doono, jeer uu dalku la dagaallamayo coronavirus.

Madaxwaynahan muran abuurka ah — oo lagu eedeeyay inuu si ka badbadis ah u laayey qolyaha dembiilayaasha ah iyo daroogaleeyda — ayaa khudbo uu ka jeediyey TV-ga ku sheegay in aan loo dulqaadan doonin qofkii jebiya bandowga lasoo rogey 15-kii Maarso ilaa Abriil 14.

Waxaa la xaqiijiyey 2,311 kiis dalka Philippines, iyadoo 96 qofi dhinteen, balse hannaanka caafimaad ee dalkaasi ayaan la tacaali karin haddii uu faraha ka boxo.

“Markale aan idiinku celiyee dhegeysta halista dhibkan. Haddii ay dhib la yimaadaan (shacabku) oo ay idinla diriraan ama noloshiinna halis geliyaan, toogasho ku dila,” ayuu maanta yiri sida ay werisey Reuters

“Intaa ma isla fahamney?” ayuu daba dhigay. “Dhinta, halkii aad dhib keeni lahaydeen, waa idin aasayaa markaas.” ayuu ku gooddiyey.

Hadalsame Media