Saxaafadda Norway oo qortay in Soomaalida dalkaasi ay ugu badan tahay dadka uu ku dhacay Covid-19 (Hal arrin oo soo baxday)

0

(Oslo) 02 Abriil 2020 -Sida ku cad xog laga helay Hay’adda Qaranka ee Dayreelka Caafimaadka Norway, Soomaalida ayaa dalkaana ka noqotay guud ahaanba dadka ugu badan ee uu ku dhacay caabuqa corona.

Dadka uu soo ritey covid-19 ee dalka Norway 829
ayaan ahayn dad asal ahaan u dhashay Norway, taasoo ka dhigay 18% tirada cudurku ku dhacay, waxaase la yaab leh in 201 dadkaa ka tirsani ay Soomaali yihiin.

Liiska oo dhan wuxuu yahay sidan marka la eego qoowmiyaadka ama dalalka ugu badan ee uu cudurku ku dhacay: Somalia (201), Sweden (45), Pakistan (41), Iraq (37), Iran (36), Philippines (31) iyo Denmark (30).

”Waxaan ka walaacsan ahay inaysan dadka qaar xogta rasmiga ah heleeynin, gaar ahaan waayeelka Soomaalida oo aan sidaa ula socon warbaahinta, ama wax yar ka arka dhanka online-ka dhibaato dhanka luuqadda ah darteed.” ayay yiri siyaasiyad ka tirsan SV oo la yiraahdo Marian Hussein oo la hadashay Utrop.

Warqaadka Utrop ayaa sidoo kale warkiisa ku xusay in Soomaalida Sweden ay sidoo kale u badan tahay dadka u dhintay COVID-19 marka kali kali loo eego qoowmiyadaha, waxaana Soomaalidu hadda u muuqataa mid gaar loo eeganayo, iyadoo iminka ay muuqato in xitaa markii la sheegay dalalkii kale ay weli Soomaalidu ugu badan tahay cudurkan.

Hadalsame Media