Karoodka corona oo markii koowaad MILYANKA ka gudbey (Kiisaska dalalka safka hore)

0

(Hadalsame) 02 Abriil 2020 – Kiisaska caabuqa corona ayaa markii ugu horreeysey milyanka ka gudbey isagoo maanta maraya 1,002,251 oo kiis.

Geerida ayaa mareeysa 51,440 oo qof, halka ay ka raysteen ama kasoo kabteen 210,500 oo qof.

Dalka Maraykanka ayaa kaalinta koowaad haatan uga jira kiisaska ugu badan, waxaana laga diiwaan geliyey 236,040 oo kiis iyo 530 geeri maanta oo qura ah.

Yeelkeede, dhanka geerida maalinlaha ah ee ugu badan waxaa hoggaaminaya Talyaaniga iyo Spain oo maanta oo qura ay ka kala dhinteen 760 iyo 709 sida ay u kala horreeyaan.

Geerida guud waxaa dunida oo idil ugu horreeya Talyaaniga oo maraya 13,915, waxaa xiga Spain oo ka le’deen 10,096 qof, halka uu 3-aad joogo Maraykanka oo ay ku dhinteen 5,712.

Hadalsame Media

Facebook Comments