Kalluumaysiga sharci darrada ee Somalia & 2 dal soo dhar dhigtay (Arag hal ugu daran?)

0

(Muqdisho) 02 Abriil 2020 – Dalka Somalia ayaa waxaa fara ba’an ku haya kalluumaysi sharci darro ah oo ay horseed ka yihiin dalal waawayn.

Dalalka ugu badan ee ka jillaabta kalluumaysiga Somalia ayaa ah Shiinaha iyo Iiraan oo ay maraakiibta iyo doonyaha ugu badani ugu jiraan xeebaha Somalia.

Halka ugu badan ee ka kalluumaystaan waa xeebaha Woqooyi Bari ilaa bartamaha dalka Somalia, waxaana la tuhmayaa inay qaarkood ”rukhsooyin sharci darro ah” ka haystaan maamullada dalka.

Wasaaradda Kalluumaysiga ee DF Somalia ayaa beri dhexdeer ah sheegtay inay la socon doonto kalluumaysiga sharci darrada ah ee Somalia oo ay haysato qalab ay ku ogaan karto, balse taasi sida muuqata waxba kama tarin kalluumaysiga sharci darrada ah.

Hadalsame Media