Somaliland oo ay iska dhex mushaaxayaan dad qaba caabuqa corona (Daawo)

0

(Lawyacaddo) 29 Maarso 2020 – Jabuuti ayaa sheegtay in 4 qof oo ka yimid dhanka Somaliland laga helay caabuqa corona kaddib markii lagu karaantiilay xadka Lawyacaddo, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saalax Biyoota.

Warkan oo lagu faafiyey TV-ga Jabuuti ee RTD qaybta Carabiga ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay iminka kiisaska corona ee dalkaasi ay gaarayaan 18 kiis.

Dadkan lagu qabtay xadka ayaa la sheegay inay gebigood ka yimaadeen magaalada Hargaysa oo ay lafteeda dibedda kasoo galeen.

”Haddii aynaan baaritaanka ku samayneen si toos ah ayay cudurka ugu soo gudbin lahaayeen Jabuuti.” ayuu yiri TV-ga RTD.

Maamulka Somaliland ayaa sabab siyaasadeed darteed u diidey xiritaanka ay soo rogtey DF Somalia oo 10 maalmood kahor soo rogtey in la xiro xadka guud ahaan Somalia, gaar ahaan duullimaadyada rakaabka sida, balse Somaliland ayaa waxaa dad kusoo daabusha dayuuradda Itoobiya.

Arrintan ayaa muujinaysa in Somaliland ay iska dhex mushaaxayaan dad qaba caabuqan halista ah, taasoo ay la wadaagi karto Somalia inteeda kale, maadaama aanu jirin koontorool iyo baaritaan ku filan.

Hadalsame Media