”Dhaliil ayaan u jeedinayaa mas’uuliyiinta Somaliland” – MW hore oo arrin xasaasi ah farta ku godey

0

(Hadalsame) 30 Maarso 2020 – Dowladaha caalamka wexey badankood gaareen iney intii muddo ah albaabbada ka xirtaan muwaadiniintooda ku sugan dalka dibaddiisa ayagoo ka welwelaya iney u keenaan Corona virus oo dhibaateeyaan shacabka ka badan ee ku sugan gudaha dalka.

Oggolaanshaha aad oggolaateen iney diyaaradda Ethiopian Airlines ka adeegato Hargeysa wexey sare u qaadeysaa khatarta ay dadka Soomaaliyeed ugu jiraan caabuqa.

Ethiopian Airlines idinka saari meyso saboolnimo jirta, idiinna keeni meyso aqoonsiga aad baadigoobka ugu jirtaan. Bal wexey muujineysaa sida ay u sahlan tahay in la idin dulleysto.

Ethiopia wax dan aha idiinma waddo balse wexey ka faa’iideysaneysaa diiddadiina walaalihiin Muqdisho.

Waxaan hubaa ineysan wax sharaf ah idiin soo kordheyn balse ay idinka soo saareyso mas’uuliyiin aad daciif u ah.

Qaabka la dagaalanka caabuqana ma aha inaad hoteello ku xabbistaan dad la soo daabulay ee waa inaad Ethiopian Airlines tiraahdaan raalli naga ahaw ilaa amar dambe.

Saaxiibtinimo dhalanteed ah waxaa ka qiime badan shacabka Soomaaliyed.

Waa walaalkiin oo idin jecel.

Waxaa Qoray: Cali C. Cosoble, MW hore ee Hirshabeelle

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media