Caabuqa corona oo aad ugu fidaya gobollada 2016-kii doortay Donald Trump (Tirakoob yaab leh)

0

(Washington, DC) 29 Maarso 2020 – Waloow ay gobollada buluugga ah ee New York, New Jersey iyo California ayaa iminka diiwaan geliyeen tirada ugu badan caabuqa coronavirus, xog cusub ayaa muujinaysa in gobollada uu haatan aadka ugu fidayaa ay yihiin kuwa cas.

9 ka mid ah 10-ka gobol ee haatan ugu badan boqolleeyda kororka cudurka COVID-19 ee todobaadkan waa kuwa u  codeeyay MW Trump sanadkii 2016-kii, sida uu qabo Five Thirty Eight. 

Warbixintan ayaa sheegaysa in Texas uu cudurku ku kordhay 256% intii u dhaxaysey 23-kii ilaa 27-kii Maarso – taasoo ka dhigtay gobolka uu ugu baahi ogyahay cudurka COVID-19.

Gobolkan oo lagu naanayso Gobolka Halka Xiddig, ayaa tusaale ahaan Isniintii diiwaan geliyey 352 kiis, balse Khamiistii wuxuu gaarey 1396.

West Virginia, oo Trump doortay 2016-kii, waa gobolkii ugu dambeeyay ee cudurka laga soo sheego, balse intii u dhaxaysey Isniintii ilaa Khamiistii oo qura wuxuu kordhay 219%.

Si taa ka duwan, Gobolka Washington State –  oo ah gobolkii uu cudurku kasoo balleeyay Maraykanka – ayaa diiwaan geliyey boqolleeydii ugu yarayd oo ah 29%, isagoo sidoo kale noqday gobolka 1-aad ee qaaday tillaabooyin lagu xakamaynayo cudurka.

Hadalsame Media