Madax wax ku noqotay weerar is miidaamin ah oo ka dhacay Garoowe (Magacyada)

0

(Garoowe) 29 Maarso 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu magaalada ka dhacay qarax sababay khasaaro soo gaaray saraakiil ka tirsan maamulka gobolka.

Warar hor dhac ah oo baahisey idaacadda codka Maraykanka ee VOA Soomaali ayaa sheegaya in qofka ismiidaamiyey looga shaki qabo inuu kusoo orday oo uu isku qarxiyey saraakiil ka tirsan maamulka Gobolka Nugaal, inkastoo mas’uuliyiinta Puntland aysan rasmi ahaan iyagu u xaqiijin sababta dhalisay qaraxa.

Weerarkan waxaa dhaawacyo culus ay kasoo gaareen Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi iyo taliyihii hore qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Sidoo kale waxaa dhaawac fudud soo gaaray askari ku sugnaa goobta.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan. Magaalada Garoowe ayaa ka mid ah meelaha ugu amniga badan Puntland.

Xigasho: VOA

Hadalsame Media