”Tuugo waddani ah!” – Siyaasi KASHIFAY halka ay siyaasiyiinta maamul-goboleedyadu geliyaan lacagaha ay lunsadaan! (Laba maamul oo kuwa kale ka duwan?)

0

(Nairobi) 27 Maarso 2020 – Waxaa aad u dhismaya magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Somalia oo kasoo kabanaya sanado badan oo dagaallo sokeeye ah.

Somalia ayaa sidoo kale safka hore uga jirta dalal ugu musuqa badan caalamka oo ay sanad kasta koobka iyadu qaaddo, taasoo aanay waxba iska bedelin xitaa markii ay timid XFS ee haatan jirta.

Haddaba, siyaasiga Faarax Macallin ayaa soo hadal qaaday wax uu ku tilmaamay ”siyaasiyiinta musuqa ah ee kala xukuma maamullada oo uu tilmaamay hal arrin oo ay ku kala duwan yihiin.

”Waxaan odaadey farqi muhim ah oo u dhexeeya barasaabyada musuqa ah ee Jubbaland iyo Puntland iyo kuwa iyaga oo kale ah ee gobollada kale ee Soomaalida.” ayuu yiri Faarax.

”Kuwa hore (JL & PL) waxay lacagaha ay soo xadaan ku maalgeliyaan Nairobi & Dubai. Kuwa dambe se waxay biliqadooda ku bedelayaan cirka magaalooyinka Soomaalida (Dabaqyo ayay ka dhisanayaan). Hhhhh (qosol) waa tuugo waddani ah.” ayuu daba dhigay.

Magaalooyin ku yaalla Kenya, Turki, Imaaraadka, Masar iwm ayaa badiyaa lagu arkaa guryo lagu xamanayo siyaasiyiin kala duwan. Faarax Macallin waa siyaasi laftiisu siyaasi iyo ganacsade ah oo xog-ogaal ah.

Hadalsame Media