”Iska jira qaanta IMF & WB!” – Somalia oo la siiyey talo ku saabsan cidda siin karta mashaariic waawayn & sida Hobyo looga dhisi karo deked casri ah

0

(Muqdisho) 27 Maarso 2020 – DF Somalia ayaa haatan soo gaartey moowqifka go’aan gaarista qaamaha qaran ee dalku ka qabo caalamka, kaddib 3 sano iyo dhowr wareeg.

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa waloow uu soo dhoweeyay fursadda ay Somalia qarka u saaran tahay ee ah in la fasaqo wixii qaan caalami ah lagu lahaa misna wuxuu keenay talo.

Macallin ayaa ku taliyey inaan qoorta la gashanin qaanta ay daba socoto ribada ama dul-saarka aad u badan, sanad dhaqaale kastana sii kordha ee IMF iyo Bankiga Adduunka, balse xal kale la raadiyo.

Wuxuu Twitter kusoo qoray: ”Hambalyo Farmaajo/Kheyre qaan fasiqitaanka. Sina wax ha uga soo amaahanina WB, IMF ama bankiyada gaarka ah.”

”Heshiis istaraatiji ah oo laba geesle ah la gala Japan, si ay Hobyo uga dhisaan deked casri ah. Waxaad sanadkii terminaalka qallalan heli kartaan 40 milyan oo doollar. Waa god dahab!!” ayuu daba dhigay.

Yeelkeede, Somalia ayaa Dekedda Hobyo kula heshiisey dalka Qadar, wax la mid ah isla arrinta uu ka hadlayo Macallin oo ah iskaashi laba geesle ah, balse weli lama bilaabin.

Hay’adaha dhaqaale ee reer Galbeedka sida WB & IMF oo la isku yiraahdo Bretton Woods, ayaa badiyaa u abaabulan qaab loo caawinayo dhaqaalayoowga Galbeedka, loona wiiqayo dhaqaalayoowga kale, inta badanna waxaa qaamohooda la socda sicir barar iyo tillaabooyin gunti isku giijis ah oo lagu jaro adeegyo badan oo dowladeed.

Hadalsame Media