Markab kuwa dayuuradaha xambaara ah oo uu sidii duufaan u XULAYO caabuqa corona (Imisa kiis?)

0

(Guam) 27 Maarso 2020 – Ciidamada Badda Maraykanka ee ku sugan geyiga Maraykanka hoostaga ee Guam ayaa lagu armay inay karaantiilka kasoo baxaan oo ay gabbaadyo kumeel gaar ah u dhisaan markab kuwa nukliyeerka ku shaqeeya ah ee dayuuradaha xambaara laga helay caabuqa coronavirus oo weliba aad ugu sii faafaya markabka.

Ciidamada Saldhigga Badeed ee Guam, oo ah gayi dhanka galbeed ka xiga Maraykanka, gaar ahaan khoorka Apra Harbor, ayaa waxaa la darbay 100-nin oo lagu amray inay dhismayaasha saldhigga u rogaan rug karaantiil oo qaadi karta ilaa 5,000 oo askari oo saaran markabka USS Theodore Roosevelt, oo uu fara ba’an ku hayo COVID-19.

“Waxaannu cudurka ka helnay markabka haddana waxaannu ku samaynaynaa baaritaan 100% ah, balse waxaan carrabka ku adkaynaynaa in uu markabku weli howgeli karo haddii loo baahdo,” ayuu yiri Thomas B. Modly oo ka tirsan Ciidamada Badda oo Pentagon ka hadlay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maraykanka oo u warramay The Daily Beast, ayaa sheegay in 23 askari oo markabkaa saaran laga helay cudurka.

Yeelkeede, The Wall Street Journal ayaa qoraya in tiradu ay iminka sii dhaafayso 133 askari oo laga helay COVID-19, kuwaasoo 104 ka mid ihi ay waajib shaqo ku jiraan.

Hadalsame Media