SAWIRRO: Xildhibaannada degaannada Galmudug oo kulan muhim ah la qaatay MW hore ee Galmudug (Arrin laga wada hadlay)

0

(Gaalkacyo) 26 Maarso 2020 – sidii aanu horayba u sii sheegnay qaar ka mid ah Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwooda laga soo doorto deegaannada Galmudug ayaa goor dhow Gaalkacyo gaarey.

Xidhibaannadan ayaa waxaa qaabiley Madaxwaynihii hore ee Galmug oo iminka Gaalkacyo ku sugan, Md Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Laba dhinac ayaa durba kulan ku yeeshay hoyga Xaaf ee ay boowdeen.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay tabashada Xaaf sidii loo xallin lahaa isla markaana uu uga soo qeyb geli lahaa xafladda caleema saarka maamulka cusub ee Galmudug.

Weli wax war ihi kulankan kama soo bixin, waxaana sidoo kale la hadal hayaa booqasho uu Gaalkacyo ku tegayo MW Galmudug Md Qoor Qoor.

Hadalsame Media