SIR LA HELAY: Maraykanka oo markii ugu horreeysey dalal ay qaar xafiiltamaan KAALMO waydiistey! (Dalalka uu la hadlay & waxa uu ka doonayo)

0
WASHINGTON, DC - MARCH 17: U.S. President Donald Trump leads a meeting with travel and tourism industry executives to discuss economic response to the coronavirus outbreak in the Cabinet Room of the White House on March 17, 2020 in Washington, DC. The Trump administration is considering an $850 billion stimulus package to counter the economic fallout as the coronavirus spreads. (Photo by Drew Angerer/Getty Images)

(Washington, DC) 26 Maarso 2020 – Maamulka Trump ayaa dalalka dunida ka codsanaya inay deeq iyo dayn kii ay tahayba Maraykanka ku siiyaan agabka lagula dagaallamo durayga dilaaga ah ee coronavirus pandemic.

Liis dheer oo uu helay hilinka CNN, ayay Wasaarad Dibadeedka dalkaasi waxay ku codsanaysaa 25 sheey, iyadoo diblomaasiyiinta iyo danjireyaasha dibedda u jooga ka codsatay inay ula tagaan dalalka ay joogaan, iyagoo diiradda saraaya agabka isla ”maalintaas” la heli karo, kaddibna ku xijinaya kuwa diyaar ku noqon kara muddo todobaadyo ah.

Warkan ayaa imanaya xilli uu MW Donald Trump ka caga jiidayo dhaqan gelinta xeerka Defense Production Act, kaasoo DF u ogolaanaya inay iyadu soo saarto kaddibna gobollada aan isku filnayn u qaybiso agabyada loo baahan yahay.

AGABKA AY DOONAYAAN – Taxa agabka ay doonayaan isbitaallada laga saa’id caleeyay ee Maraykanka waxaa ka mid ah: Bacaha lagu kaydiyo walxaha halista ah, maasgaraha N-95, gacmo gashiyo, gowns, madax saarka qalliinka, bacaha kabaha lagu dahaaro, sakeellada xiran, ookiyaalaha indha ilaaliska ah, gacmo nadiifiyeyaal, neef siiyaha mitirsan (dose inhalers), ogsijiinka sariiraha, ogsijiin qaadaha wejiga lagu xirto, ogsijiin wale danabaysa oo nadiifiya iyo suutka gaashaaman ee ay dhakhaatiirtu/kalkaaliyeyaashu xirtaan iwm.

Dalalka uu Maraykanku baryayo!

Dowladda South Korea ayaa sheegtay in MW Trump uu si shakhdi ah u waydiistey kaalmo, isagoo wacay dhiggiisa Moon Jae-in Talaadadii, si uu u ogaado haddii ay Seoul Maraykanka siin karto kaalmada agab caafimaad oo deg deg ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump, Peter Navarro ayaa The New York Times u sheegay in ay xitaa la hadleen Shiinha, oo ay Maraykanku marna ku wiirsanayeen marna ku eedaynayeen inuu isagu keenay caabuqa corona.

“Haddii Shiinaha ama dal kasta oo kale oo haya maasgaro, gacmo gashi iyo waxyaabo kale oo ay u baahan yihiin dadka Maraykanku, waxaan kusoo dhowanaynaa gacmo furan,” ayuu u sheeay NY Times.

Yeelkeede, waloow ay tani jirto, misna MW Trump ayaa qab maran ka muujinaya baraha bulshada, isagoo Talaadadii uu dhegtiisa ka qoyan yahay telefoonkii uu ku wacay hoggaamiyaha South Korea uu isla shir jaraa’id oo xigey ka yiri, “Maraykanku marna ma noqonayo dal baryootama oo is dhiiba.”

“Marna dal shisheeye ah ugu tiirsanaan mayno badbaadadeenna iyo nolosheenna,” ayuu ku faanay Trump oo is taag taagaya.

Waa markii ugu horreeysey ee uu Maraykanku yaboohsi furan oo caalami ah diro, tan iyo kacaankii wershadaha ee dabayaaqadii qarnigii 17-aad.

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media