CAABUQA CORONA: Cabsi hor leh oo kasoo shaac baxday dalka Shiinaha (Ifafaale cusub)

0

(Hubei) 26 Maarso 2020 – Qiyaastii 14 boqolkiiba dadka kasoo kabta caabuqa coronavirus ee Shiinaha markale cudurkii laga helay, sida ay khubaradu sheegayso.

Daraasadda ayaa muujinaysa in 14 boqolkiiba ka mid ah bukaannadii hore ee raystay markale cudurku kasoo baxay kaddib markii ay dhamaysteen xitaa karaantiilkii.

Warkan ayaa imanaya jeer ay khubaradu ka cabsanayso in ay Shiinaha ka dillaacdo moowjad rogaal celis ah oo cudurka ah, gaar ahaan dadka dibedaha kasoo laabanaya iyo dadka loo yaqaanno ”sidayaasha aamusan” ee cudurka qaba iyadoo aan astaamo laga helin ama aysan ka muuqan (tusaale qandho, qufac ama neefta oo yaraata ama qofka dhibta).

Malaayiin ka tirsan dadka ku dhaqan gobolka Hubei, oo ah halka uu cudurku ka dillaacay asal ahaan, ayaa haatan loo fasaxay inay gobolka ka tegi karaan kaddib markii la qaaday xannibaadii la saaray.

Hadalsame Media