Cudurka corona oo isku diray kooxda Barcelona & ciyaartooydeeda (Arrin xasaasi ah oo la isku mari la’yahay)

0

(Barcelona) 26 Maarso 2020 – Xiddigaha miyaneerrada ah ee Barcelona ayaa diiddan baryada naadigooda ah oo ah inay sameeyaan qiime dhimis 70% ah oo gunnadooda ah, kaddib markii uu dalkaa la degey cudurka coronavirus taasoo keentay in la joojiyo ciyaarihii.

Naadiga Catalania ayaa waxaa u safta laacibiinta dunida ugu qaalisan, kuwaas oo uu ka mid yahay Lionel Messi oo todobaadkii oo qura jeebka ku shubta £500,000, taasoo ay weliba u dheer yihiin bareemiyo iyo xuquuqaha sawirradiisa.

Waxaan sidoo kale dab yar shidayn Antoine Griezmann oo qaata £294,000, Luiz Suarez oo hela £290,000 iyo Gerard Pique oo todobaadkii kasbada £220,000.

Diario Sport ayaa werinaya in kulan dhanka muuqaalka maanta ay ku yeesheen maamulka iyo ciyaartooyada waawayn iyo mid kale oo Jimcihii hore dhacayba la isku af garan waayey in ay laacibiintu 70% mushaharkooda dhimaan.

Arrintan ayaa uga sii dareeysa arbayaasha kooxda Barcelona iyo maamulka oo aan awalba isku fiicnayn.

Dalka Spain ayay dhimashadu mareeysa 4,145, kuwaasoo 498 ay maanta dhinteen, halka ay maanta oo kaliya soo dheceen 6,682 qof oo uu cudurku ku dhacay.

Hadalsame Media