HANTAVIRUS: Caabuq cusub oo laga helay Shiinaha, nin u dhintay & 32 qof oo laga helay (Wax ka baro)

0

(Beijing) 24 Maarso 2020 – Tiiyoo uu caalamku la tiicayo tirada kiisaska caabuqa coronavirus, iminka waxaa Shiinaha kasoo baxay fayrus kale oo cusub oo uu dalkaa nin ugu dhintay.

Fayruskan cusub oo la yiraahdo hantavirus, ayaa sida uu qoray Global Times waxaa u dhintay nin kasoo noqonayey Gobolka Yunnan una socey Shandong.

Ninkan oo bas ku safrayey ayaa sidoo kale waxaa cudurka laga helay 32 qofood oo baska la saarnayd.

Muxuu yahay hantavirus?

Sida ay sheegtay hay’adda Xakamaynta iyo Ka hortagga Cudurrada (CDC), hantavirus waa dhowr nooc oo fayrus ah oo badanaa ka dhasha JIIRKA, isla markaana keena cudurro badan.

Wuxuu hantavirus sababi karaa cudurrada ku dhaca sambabada (HPS) iyo qandho keenta dhiig bax gudeed oo ay wehliso sanka oo dureera (HFRS).

Cudurkan hawada laguma kala qaado, wuxuu se ku fidi karaa in la taabto kaadida, saxarada, dhareerka doolliga iyo marar dhif ah haddii uu ku qaniino xayawaan cudurka qaba.

Astaamaha hantavirus

Astaamaha hore waxaa ka mid ah daal, qandho, murqo xanuun, madax xanuun, wareer, dhaxan iyo ubucda oo ku xanuunta.

Haddii aan qofka dawo lala gaarin waxaa xigaysa qufac iyo neefta oo qofka dhibta, waana loo dhiman karaa, iyadoo weliba ka heer sarreeysa caabuqa corona, waayo boqolleeyda geeridiisu waa 38%, sida ay sheegtay CDC.

Wuxuu cudurkani sidoo kale keenaa cadaadiska dhiigga oo dhaca, shoog daran, xididada oo dillaac iyo kellida oo fariisata.

Hadalsame Media