KA FAA’IIDAYSO: Waa kuma bare sare ama Professor?

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2020 – Intii Aduunka ilaahay abuurayba Aadamuhu waa kala heer sareeyey nooc kasta oo Nolosha ah, taas waxaad ku garan kartaa sida dad gaar ahba loogu qiimeeyo Mihnadooda. Tusaale waxan usoo qaadan karnaa ciidanka taasoo Jeneraalku uu ka qiimo iyo darajo sareeyo Labo aliflaha ama dablaha.

Sidaas oo kale aqoonta dadka madama aysan isku mid ahayn, aqoonyahanada waxay kala lee yihiin darajooyin ku xiran hadba heerka ay ka gaareen waxbarashada iyo ilmi barista.

Marka aad tahay arday kulleej ama xitaa qalin jabiyey, waxaa laga yaabaa inaadan ka warqabin cinwaanada iyo darajooyinka kala duwan ee ay kala lee yhn macallimiintaada iyo aqoonyahanadaada. Way fududahay; iyagu waa khubaradii Adigana waxaad tahay arday.

Madaama Aqoonta iyo Khibradda Macallimiinta kala duwan yihiin, Aqoonyahanada wa la kala Ablaableeyaa iyada oo qof kasta lagu magacaabo darajo u qalanta heerka aqoontiisa iyo qibradiisa.

Ablaablayntu waxay muhiim u tahay si ay u muujiso hadba dadaalka qof usoo galay si uu usoo gaaro darajada uu ku magacaaban yahay, hadiise qofka qaato ama la siiyo darajo uusan mudnayn waxay cadaalad darro ku noqonaysaa qofka darajadaas dadaal iyo dhabar adayg badan kusoo gaaray.

Inkastoo ay aduunyada ku kala duwan tahay si loo kala Qaybiyo darajooyinka aqoonyahanada, hadana waxa jirta kuwa guud oo badanaa Aduunyadu isku Raacsan tahay kuwaas oo kale ah:

  1. Macallin(Instructor): Baruhu sida caadiga ah wuxuu haystaa ugu yaraan shahaadada Masterka ama wax u dhigma, wuxuu dhammeystirey inta badan ama dhammaan shuruudaha shahaadada PhD, waxaana laga filayaa inuu muujiyo wax ku oolnimada ugu horreyn macallin ahaan.
  1. Doctor(Dr): waa Qofka haysta Darajada PhD kaas oo Mararka Qaarna hoos geli kara Qaybta Macallinimada.
  1. Kaaliyaha Professor(Assistant Professor): Guud ahaan, Professor ku-xigeen ayaa la guddoonsiiyay Shahadada PhD ama shahaadada xirfadeed ama wax u dhigma.

kaaliyaha macallimiinta ayaa caadi ahaan ah kuwa si buuxda uga shaqeeya kulliyad ama kulliyado sidookalena bara koorsooyin kala duwan cilmi baarisna ku sameeya.

  1. Ku-simaha Professor(Associate Professor): Guud ahaan, Kaaliyasha Professor jaamacadeed ayaa la kulma shuruudaha magacaabista lataliye ku-xigeen, Marka uu muujiyo aqoon, xirfad-yaqaannada, ama adeegga jaamacadda ee ka baxsan waaxda.

Badanaa kalkaaliyeyaasha ku-xigeennada waxay noqdaan Professo markii ay gaaraan muddadooda. Caadi ahaan waxay qaadataa inta u dhaxaysa shan ilaa toddobo sano si loo helo heerkaas. Waa geedi socod dheer, oo ku lug leh nooca Cilmi Baaris oo sida caadiga ah lagu qiimeeyo daabacaadda Professorka, cilmi baarista, iyo baridda.

5.Professor: Guud ahaan, Professor ayaa soo buuxiyay shuruudaha magacaabista Associate Professor, intaa waxaa u dheer, wuxuu leeyahay diiwaan sare oo ku saabsan waxqabadka sareeya heer caalami iyo sumcad waddankiisa ama goobtiisa.

Sida aan kor kusoo xusnay, Aqoonyahan kasta waxa loogu yeeraa hadba halka uu joogo Aqoon iyo Qibrad ahaan iyadoo lagu jaan goynayo guulaha uu waxbarashada iyo cilmi barista ka gaaray.

Somalia oo ah wadan waxbarasho ahaan liita marka loo fiiriyo heerarka dunida ayaa waxa ku yar dadka heerarka sare ka gaaray waxbarashada sidaas awgeed waxa laga yaabaa in dadka Qaar loogu yeero Darajo aysan gaarin.

Jamacadaha dalka waxa ku yar Darajada Professor sidaas awgeed waxa laga yaaba in ardayga u qaato in darajada Professor la siin karo Macallimiinta darajada labaad ee Masterka ama PhD-da Diyaariyey.

Isku soo wada duubo, Ardayda Somaliyeed waxa la gudboon inay kala bartaan sida ay u kala sareeyan darajooyinka waxbarashada si qof kasta loogu yeero hadba inta uu ka gaaray waxbarashada.

Waxaa isku Duway: Bashir Ahmed Maow

Arday Darajada 2aad kulliyadda Beeraha Jamacadda 19May Samsun,Turkey.

Email: Qaalla49@gmail.com

Hadalsame Media