”Inta harsanna ha le’daan!” – Kooxaha cunsuriga ah oo ku ”faraxsan” geerida Soomaalida Sweden (Akhri fal-celintooda)

0

(Stockholm) 24 Maarso 2020 – Ugu yaraan 6 ka mid ah 15 qof oo caabuqa corona ugu dhintay Stockholm ayaa Soomaali ah, sida ay sheegtay Jihaan Maxamed oo ka tirsan Jamciyad dhakhaatiir oo ay leedahay Soomaalida Sweden oo uu soo xigtey SVT.

Yeelkeede, waxaa warku markiiba gaarey dhanka baraha bulshada, gaar ahaan kooxaha cunsuriga ah ee midigta fog oo ”farxad” ka muujiyey dhibaatada Soomaalida. Halkan ka akhri digashooyinkooda:

”Cajiib, haddiiba aan kuwan abid ka takhallusi karno.”

”Hadda ayay jihadii saxda ahayd aaddey. Sidaa uun ku wad”

”Waan ka helay maqaalkan. Iyagaa leh tirakoobka ugu liita ee kufsiga, waa ka xumahay dhallinyarada jirran, balse iyagana waxaa lagu yaqaan inay yihiin caajisloowyaal.”

Qoraalladan ayaan wax tillaabo ah laga qaadin, iyagoo meesha iskaga qornaa sidii war caadi ah.

Koox kale oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa cunsuriga ah ee Nordiska Motståndsrörelsen ayaa iyaguna kaftan, baashaal iyo digasho kusoo dhoweeyay khabarkan:

”Ma aha arrin illin iga keenaysa” ayuu midkood soo qoray, isagoo sheegay inuu ”jacayl u qaaday” fayruska.

”WARKII UGU FIICNAA”

Expo oo aan warkan kasoo xiganney ayaa xitaa eegay bogga taageerayaasha xisbiga cunsurig ah ee SD ee ”U istaaga Jimmie Åkesson 2022” kaasoo ay xubno ka yihiin 8700 iyadoo ay qaar badani ku doodeen inaysan jirin wax la yiraahdo Soomaali-Swedish, iyagoo ku farxay geerida.

”Baxa cayr qaatayaaloow haha”

”Waxaan rajaynayaa in qashin badani ay qaadaan jidka kuwa hadda dhintay”

”Warkii ugu fiicnaa maanta”

Kooxda Facebook ee la yiraahdo ”Saaxiibbada aaminsan DS iyo Jimmie Åkesson” oo ka kooban 16 000 oo xubnood, ayaa soo qoray in dadka dhintay ay iyagu is eedaan maadaama ay baran waayeen afka Swedish-ka, sida ay qabaan.

”UMIYAAL”

Mid ka mid ah cunsuriyaasha ugu waawayn midigta fog wax u qora, isla markaana Islaamka neceb oo la y Fjordman, oo aad u taageera Anders Behring Breiviks ayaa kusoo qoray twitter: ”Fayruskii Shiinaha oo Muslimiinta ku laynaya Sweden. Waa haddiyad aan xudduud lahayn”.

Nin la baxay Julia Caesar ayaa ku jawaabey: ”Soomaalidu inta badan waa ummiyiin, waxayna wararka isku gaarsiiyaan afka, taasoo noloshooda galaafan karta.”

Mid xag-jir ah oo Youtuber ah ayaa twitter gareeyay: ”Waxaa na hareer ordaya dad umiyiin ah oo nadaafadooda shaki ku jiro”.

Fal-celin noocan oo kale ah ayay Expo sheegaysaa inay horay u dareentay markii ay dayuuraddu ku burburtay dalka Iiraan bishii Jannaayo, taasoo qayb ka ah Islaam nacayb, balse Soomaalidu kumaba sii jirto.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media