Shiinaha oo ka digey inuu corona soo laba kaclayn karo (Xiris-furista hawada Somalia oo..?)

0

(Beijing) 23 Maarso 2020 – Mid ka mid ah khubarada Shiinaha ee ku talax tegey ogaalka coronavirus ayaa ka digtey in uu dalkaasi wajihi karo mowjad 2-aad oo cudurka ah.

Professor Li Lanjuan ayaa sababta ku sheegtay dadka iyaga oo cudurka qaba dibedaha kasoo guryo noqonaya oo keeni kara inuu cudurku soo laba kacleeyo.

Professor Li Lanjuan, oo ka mid ah khubarada Beijing kula dagaallamaysa fayruska ayaa sheegtay ‘inay aad uga walaacsan tahay kiisaska lasoo dejinayo’ oo dib usoo celin kara cudurkan oo uu iminka Shiinuhu xakameeyay.

Warka khabiiraddan ayaa imanaya kaddib markii ay saraakiishu xaqiijiyeen in kiiskii ugu horreeyey oo cusub maalmo kaddib laga helay qof la sheegay inuu ka qaaday qof dibedda ka yimid oo qabey COVID-19.

Warkan ayaa sidoo kale imanaya xilli ay nolosha magaalada Wuhan ay si tartiib tartiib ah caadi ugu soo noqonayso kaddib 2 bilood oo ay handaraabnayd.

DF Somalia oo hawada xirid iyo furis ku haysa ayaa arrintan cashar ka baran karta maadaama uu kiiska cusubi Shiinaha dibedda kaga yimid, tiiyoo ay jirto in haddii ay dibedda ka yimaadaan kiisas cusubi aanu hannaanka daryeelka caafimaadka dalku yahay mid eber ku dhow.

Hadalsame Media