ARRIN NAXDIN LEH: Kala bar ku dhowaad dadka corona ugu dhimanaya Sweden waa Soomaali (Arrin farta lagu fiiqay)

0

(Stockholm) 23 Maarso 2020 – Ugu yaraan 6 ka mid ah 15 qof oo caabuqa corona ugu dhintay Stockholm ayaa Soomaali ah, sida ay sheegtay Jamciyad ay leedahay Soomaalida Sweden oo uu soo xigtey SVT.

”Markii uu cudurkani Sweden soo gaarey, ma jirin xog ku filan oo ay Soomaalidu hayeen, qaar badanina sidoodii ayay nolosha u wateen,” ayay tiri Jihaan Maxamed, oo jamciyadda xubin ka ah oo u warrantay barnaamijka Agenda ee SVT.

Sida ay sheegtay Jihaan Maxamed, 5 ka mid ah 6-da qofood ee Soomaalida dhimatay waxay ku nool yihiin agagaarka Järva ee ​​Stockholm, oo la isku yiraahdo Kista / Rinkeby iyo Spånga / Tensta. Qof 6-aad wuxuu ku noolaa degmada Järfälla ee isla caasimadda. Ma sabab ayaa jiri karta?

”Ma ogi sababta ay agagaarka Järva ugu badan yihiin dadka u dhintay Covid-19, balse qaar badani waxay ku nool yihiin guryo ay dad badan ku deggan yihiin, sidoo kale waxaa liita hab-raaca faya-dhowrka,” ayay tiri Jihaan.

Jihaan ayaa sheegtay in arrin ka mid ah dhaqanka Soomaalidu ay door ka ciyaaray inuu cudurkani ku faafo Soomaalida.

”Dhaqanka Soomaalida waa muhim is dhexgalka bulshadu, taageerada iyo in la is booqdo, gaar ahaan haddii uu qof jirran yahay, kaaga darane Soomaalidu xog badan cudurka kama hayaan,” ayay tiri Jihaan oo sheegtay inay muhim tahay in lakala fogaado.

Hal cillad oo kale waxay tahay Soomaalida oo cudurka ula dhaqmaya sidii wax ceeb ah oo kale, iyadoo ay qaar badan dadka iska dhex gelayaan iyagoo cudurkii qaba balse qarsanaya.

Hadalsame Media