Ganacsatada Muqdisho oo FURSAD ka raadisey san-xirka la iskaga ilaaliyo cudurka corona (Arag waxa ay DF ka qaban karto)

0

(Muqdisho) 23 Maarso 2020 – Waxaa dunida walaacinaya caabuqa coronavirus oo caalamkii cudur ku kala xirey, isagoo weli sii faafaya.

Dalka Somalia ayaa ka mid ah dalalka aanu weli cudurkani fara saarin, Ilaahay haka hayee, waxaa se jirtey arrin kale oo werwer laga qabey, taasoo ahayd mid ku saabsan dhanka ganacsiga.

Ganacsatada Soomaalida ayaa aalaaba maciishadda cirka ku shareera markasta oo ay maqlaan sheeko yar, xitaa haddii aanay wax xiriir ah la lahayn maciishadda, sida cudurkan oo aan jarin silsiladdii saanadeed (supply chain) ee caalamka.

Hadalsame Media ayaa u kuurgalay waxa iska bedeley maciishadda Muqdisho, oo aan sambal ahaan usoo qaadannay dalka oo dhan, maadaama ay iyadu tahay neerfaha dhaqaalaha dalku ka nuuxdaso.

Waxay iminka Hadalsame ogaatey in aad loo sicir barariyey san-xirka oo markii hore ahaa $2 doollar, balse iminka la gaarsiiyye $25 doollar, taasoo ah wax aan loo baahnayn oo dhiig miirasho iyo fursad raadin ah, maadaama ay umaddu ku jirto xaalad halis ah.

Yeelkeede, marka la eego maciishadaha kale, marka laga reebo sonkorta iyo saliidda oo naloo sheegay inay wax yari ku kordheen, inta kale sicirkoodu waa fadhiyaa oo waa sidii hore.

DF Somalia ayaa looga baahan yahay inay deeq iyo iib (ma aha wax aysan iibsan karin DF) wixii ay ku keeni kartaba ay dalka keento san-xirka, si aan looga dhigan fursad lacag samayn ah, iyadoo dadka u qaybin karta.

Sidoo kale, waa in canshuurta laga daayaa waxyaabaha daruuriga ah sida dawooyinka xilligan adan.

Hadalsame Media