Qatar Airways oo ballan qaadday inay dawooyinka si bilaash ah ugu daabulayso dalalkii caawiyey markii la go’doomiyey (Somalia oo ka mid ah…)

0

(Dooxa) 23 Maarso 2020 – Akbar Al Baker, Xoghayaha Guud ee Qatar Airways Group ayaa sheegay inay lacag la’aan ku qaadayaan shixnad dawo ah oo ay Qadar siinayso dalka Iiraan oo uu la degey cudurka coronavirus (COVID-19).

Al Baker ayaa warkan uga dhawaaqay terminaalka xamuulka ee Garoonka Hamad International Airport (HIA) halkaasoo ay ka qaadayaan ilaa 6 tan oo dawo ah oo ay dowladda Qadar ugu deeqday dalka Iiraan.

“Markii Qadar ay go’doomiyeen Sucuudiga iyo Imaaraadku, Iiraan waxay ka mid ahayd dalalkii lasoo gaarey saanad iyo jiscin aad loogu baahnaa.” ayuu yiri.

”Hadda Iiraan waxay dhex muquuranaysaa Covid-19 sidaa darteed Qatar Airways waxay ballan qaadaysaa inay dawo kasta si bilaash ah ku gayso Iiraan oo ay abaal wayn u hayso.” ayuu daba dhigay.

Somalia oo iminka ka caymata cudurka corona, waloow aan xog badan la heli karin, ayaa waloow aysan wax saanad ah u dirin Qadar, misna ka mid ahayd dalalkii aan culayska saarin Qadar oo aad uga faa’iidaysatey hawada Somalia, oo ay la’aanteed ku khasbanaan lahayd inuu 3 laabmo wareegga ay iminka samayso Qatar Airways.

Hadalsame Media