Gabar kalkaaliso ah oo ay nafteedu halis ku jirto (Arrinta oo wax ka bedeleeysa aragtidii laga haystey caabuqa corona)

0

(West Midlands) 23 Maarso 2020 – Areema Nasreen oo ah hooyo 3 carruur ah leh ayaa xaalad halis ah ku jirta iyada oo taalla isbitaalka Walsall oo ay ka shaqaynaysey 16 sanadod.

Gabadhan oo 36-jir ah ayaa kalkaaliso ka ah NHS, isla markaana ma qabto wax cudur ah oo kale, ha yeeshee, iminka nolosheeda ayay u dagaallamaysaa kaddib markii uu ku dhacay coronavirus.

Areema Nasreen ayaa waxaa hadda ku xiran mashiinka naqaska iyadoo taalla qaybta daryeelka deg degga ah ee ICU ee Walsall Manor Hospital ee West Midlands.

Hooyadan kalkaalisada ah ayaa astaamaha 10 maalmood kahor, jir xanuun, heerkulkeeda oo sare kacay iyo qufac ba’an.

Jimcihii ayaa la baaray oo waxaa deeto laga helay caabuqa COVID-19, oo ku dhacay in ka badan 300,000 oo qof caalamka, sida laga sheegay Sky News.

Arrintan ayaa meesha ka saaraysa aragtida ah in dadka aan da’ ahaan waynayn isla markaana aan cudurro hore qabin uu cudurkani u yasiran yahay.

Hadalsame Media