”Cidna waxba nooma yeerin karto!” – Somalia oo caddaysay moowqifkeeda ku aaddan muranka NIILKA ee Itoobiya-Masar

0

(Garoowe) 23 Maarso 2020 – Wasiirka Dibadeedka Somalia, Md Axmed Ciise Cawad oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka hadlay moowqifka Somalia ee muranka biyaha Niilka ee u u dhexeeya dalalka Itoobiya iyo Masar.

Cawad ayaa hoosta ka xarriiqay inay Somalia dhex dhexaad ka noqonayso doodda u dhaxaysa labada dal oo ay Somalia midkoodba xiriir wanaagsan la leedahay, isagoo tilmaamay in dawga qura ee dalka Somalia u furani yahay inay labada dhinac isu jiid jiiddo.

“Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Niiilka Somalia waxay ka taagan tahay moowqif dhex dhexaad ah, haddii loo baahdo se Somalia waxay labada dhinac ka gacan siinaysaa xallinta khilaafka iyo isu soo dhowaanshahooda, kaalinteeduna waxa weeye dhex dhexaadnimo iyo suurta gelin in khilaafkaasi soo afjarmo.” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad oo u warramay  Idaacadda Daljir.

Warar diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Itooboya oo ka xumaatay moowqfika Somalia iyo Jabuuti oo u codeeyay qaraar lagu cambaareeyay Itoobiya oo kasoo baxay Jaamacadda Carabta ay dhambaallo cabasho ah u kala dirtay labada dal.

”Cidna nooma yeerin karto mana yeelayno in naloo yeeriyo go’aankeenna, kuwo hore oo isku dayey yey u suuroobi wayday…..waa baan tabar darneyn hadda se waa na laku sirmayaa,” ayuu ku falax gooddiyey Wasiirka oo u muuqda mid tix-raacaya moowqif kan la mid ahaa oo ay Somalia ka qaadatay khilaafkii Khaliijka.

Hadalsame Media