”Dad kale ayaa dhiman kara” – RW Sweden oo ka dayriyey xaaladda caabuqa corona (Dhegeyso talooyinka)

0

(Stockholm) 23 Maarso 2020 – Fiidnimada caawa ayuu madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven uu qudbad shan daqiiqadood ah ku wajahay bulshada reer Sweden, isagoona kala hadlay xaaladda dalku ku sugan yahay ee caabuqa corona.

Khudbadda hoggaamiyaha oo aan ahayn mid horey looga bartay hoggaamiyeyaasha dalka soo maray ayuu kaga hadlay xaaladda dalku ku sugan yahay iyo waxyaabaha iman kara mustaqbalka dhow ee la xiriira faafidda caabuqa corona iyo saameeynta uu dalka ku yeeshay iyo midda uu ku yeelan karo:

-Caawa waxaan doonayaa inaan si toos ah idiin la hadlo. Caabuqa corona wuxuu tijaabo ku yahay dalka, bulshada iyo bani’aadminomadayada, sida uu sheegay.

Stefan Löfven ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu qof walba maskixiyan ugu diyaargaroobo sidii looga hortegi lahaa xaaladda dalka la soo gudboonaatay. Dalka waxaa ka jira faafid guud ee caabuqa corona. Waxaa halis ku jira nolosha, dhaqaalaha iyo goobaha shaqo. Dad inta maanta ka badan ayaa u xanuunsan doona caabuqa. Dad inta maanta ka badan ayaa u geeriyoon doona, ama u macsalaameeyn doona qaraabo ka geeriyootay, sida uu Löfven khudbaddiisa ku sheegay.

-Habka keliya ee looga gaashaaman karaana wuxuu yahay in bulsho ahaan si mideeysan aannu uga hor tagno. In cid waliba masuuliyad ka qaado nafteeda, si wada jir ah iyo dalkaba, sida uu hadalka u dhigay.

Stefan Löfven ayaa sidoo kale wuxuu ku booriyay bulshada reer Sweden inay u diyaar garoobaan tallaabooyin dheeri ah oo noloshooda lagu xaddideyo, oo mararka qaarkood u dhici kari doona si degdeg ah.

-Balse uu goolka dawladdu yahay sidii loo dhimi lahaa faafidda caabuqa corona, si aaney mar qura u wada jiran dad badani, sidii loo xaqiijin lahaa baahida daryeelka caafimaad iyo sidii shirkadleeyda loogu sahli lahaa culeeyska la soo gudboonaaday, sida uu sheegay Löfven.

Khudbadda madaxa dawladda Sweden ee caabuqa covidd-19 ee ku wajahnayd bulshada ayaa ahayd mid ku saleeysan waajibaad, niyad iyo masuuliyad, sida uu sheegay Tomas Ramberg, ahna suxufi laanta wararka Ekot uga faallooda siyaasadda arrimmaha gudaha.

Isha: Raadiyo Sweden

Hadalsame Media