XOG: Ethiopian Airlines oo Hargaysa ka dejisey dad looga shakisan yahay caabuqa corona (Karaantiil la geliyey)

0

(Hargaysa) 23 Maarso 2020 – Ku dhawaad 16 qof oo looga shakiyay cudurka Coronavires ayaa hada lagu daabulay gaadiidka dhoollida ama ambalaaska Wasaaradda Faafimaadka Somaliland oo lagu sii diyaariyay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International.

Sida uu sheegay weriye maxalli ah oo la yiraahdo Faysal Fifa, dadkan ayaa loo qaaday marxaladda huuriska ah ee uu karaantiilkeedu qaato 14- cisho.

Dadkan oo la sheegayo inay badankood yihiin Soomaali kasoo duushay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa saarna diyaarada Ethopian Airlines duulimaadkeedii Hargaysa tegey duhurkii maanta.

Ilaa haatan ma jiro war rasmiya oo kasoo baxay dhanka maamulka Somaliland, lamana faahfaahin sida arrintan loola xaali doono.

DF Somalia oo horay hawada u xirtey ayaa markale dib u fasaxday muddo 2 maalmood ah iyadoo ay dad badani aad u dhaliileen go’aankan oo keenaya inay dalka soo gaaraan kiisas aan hadhoow waxba laga qaban karin.

Hadalsame Media