Soomaalida Sweden oo ka cabsanaysa in looga kala cararo sidii ku dhacday Shiinayska

0

(Stockholm) 24 Maarso 2020 – Ugu yaraan 6 ka mid ah 15 qof oo caabuqa corona ugu dhintay Stockholm ayaa Soomaali ah, sida ay sheegtay Jihaan Maxamed oo ka tirsan Jamciyad ay leedahay Soomaalida Sweden oo uu soo xigtey SVT.

Waxaa kaddib qoraalkan oo aan sidin xog rasmi ah sii faafiyey warqaadyada waawayn ee Sweden sida Expressen, Aftonbladet iyo qaar kale.

FALCELINTA SOOMAALIDA

Arrintan ayaa muran ballaaran ka oogtey dalka Sweden gaar ahaan baraha bulshada, iyadoo ay Soomaali badani ku doodayso inay ahayd in aad looga fiirsado faafinta warkan, maadaama ay dhalin karto in sidii beri dhexdeer ahayd dadka Indha-yarta ah, gaar ahaan Shiinayska ku dhacday laga kala cararo Soomaalida oo qayb ahaan ay sheekadu ku eedaynayso nidaam iyo hab-raac xumo dhanka tilmaamaha caabuqa corona ama inaysan warba ka haynin cudurka.

Taasi waxay keenaysaa in laga kala cararo adeegyada Soomaalida sida tagaasileeyda, basleeyda iyo arrimaha kale. Waxaa intaa dheer, in aan la carrabaabin dhalashada qoowmiyaadka kale ee cudurkan u dhintay, marka dadku waa ka xumaadeen in si gaar ah farta loogu godo Soomaalida, taasoo durba dhalisay in Soomaalida looga maadaysto madlaha kooxaha cunsuriga.

’’Annaga oo aan diidaynin inay dadku dhinteen ama is difaacaynin, waa inaan si kale oo ka qurux badan u qaabaynaa si ka qurux badan, sida inuusan jirin tirakoob rusmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Daryeelka Caafimaadka iyo Hay’adda Arrimaha Bulshada. Tan kale Sweden ilaa hadda Sweden si rasmi ah uma tirakoobin dhalashada dadka cudurkan u dhintay,’’ ayuu yiri Axmed Kaboole oo ka tirsan Golaha Degaanka Stockholm oo sheegay in aanu warka la hayaa weli rasmi ahayn.

Dadka Soomaalida ah ayaan weli ku baraarugsanayn halista cudurka iyagoo tusaale ahaan weli dhooban makhaayadaha iyo meelaha lagu sheekaysto. ’’Shalay ilaa 40 qof ayaan ku arkay meel makhaayad ah’’ ayuu wiil ku nool magaalada Stockholm oo magaciisa qariyey.

Waxaa lasoo jeediyey in aan la dhayalsan balse la raaco tilmaamaha cudurka, isla markaana lakala fogaado, guryaha la joogo, nadaafadda lagu dadaalo, qofkii bukaana uu dhakhtar la xiriiro dadka kalena ka fogaado.

 

Hadalsame Media