XF oo ganacsatada kala hadashay in aan la SICIR bararin maciishadda (Ganacsatadu maku dhaqmeen?)

0

(Muqdisho) 21 Maarso 2020 – Ra’iisul Wasaaraha Jamahuuriyadda, Mudane Xasan Cali Khayrre, ayaa Xalay Xafiiskiisa ku qaabbiley rugta ganacsiga Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda caabuqa COVID-19.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrin aad asaasi u ah, taasoo ah inaysan marxaladdan cusubi haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan sicirka maciishadda daruuriga ah oo xilliyadan oo kale umadda lagu qaalileeyo sida qaalibka ah.

XF ayaa ganacsatadda ka codsatay inay ka wada shaqeeyaan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo COVID-19.

Yeelkeede, dad ku sugan magaalada Muqdisho ayaa Hadalsame Media u sheegay in aad cirka loogu tolay sicirka waxyaabaha asaasiga u ah nadaafadda iyo la dagaallanka cudurkan, taasoo ah dhaqan muujinaya anshax xumo baahsan.

RW Khayrre ayaa isla xalay kulan noocan oo kale ah la qaatay guddiga dhakhaatiirta si meel la isula dhigo tillaabooyin lagu xakamaynayo cudurka corona.

Hadalsame Media