Aabbaha qoys Soomaali ah oo uu ku dhuftay caabuqa corona oo ka sheekeeyay marxaladihii ay mareen (Digniin uu dirayo)

0

(Oslo) 21 Maarso 2020 – Farxaan Cali Xalane oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Norway ayaa ka sheekeeyay cudurka coronavirus oo ku dhacay isaga iyo qoyskiisa.

Wuxuu Xalane warkiisa ku bilaabay: ”Asc. waxaa mahad iska leh Alle SWT. Waxaan ehelka iyo dhamaan asxaabteyda waan uga mahadcelinayaa ducada iyo garab istaaga.

Wuxuu ka hadlay muddada uu hayo iyo sida uu ugu kala saamayn badan yahay xubnaha qoyska.

”Maanta maalinki 7-aad ayey noo tahay ee uu Caabuqaani uu na hayo aniga iyo familka. Alle mahadii carruurta wax dhibaato ah kuma keenin kaliya si saf mar ah ayuu u qabtay waana ka boodeen.
Aniga iyo Xaajiyada ayuu na dhul dhigay
Alx. Xaajiyada ayaduna waa ka booday aniga ayuu wali igu dambeeyaa anigana wax badan ayaan ka fiicanahay sidii maalmihii hore.

”Cudurkaan sidiisaba waa laga boodaa oo laga reeystaa sida loo sheego uma cabsi badna waa hergebka xumad daran wata oo jirka qofka aad udaalinaya.
Tusaale kale malahan qofkii hada kahor KADUUDIYE ku dhacay waa sida KADUUDIYE.” Ayuu ku sifeeyay.

Sidee loola tacaali karaa maadaama uusan dawo lahayn?

”Daawadiisu waa inaa nadaafada ku dadaashid
biyo badan cabtid liindhanaanta iyo tuunta iyo sanjabiisha badsataan.

Digniin ku aaddan halista faafitaanka cudurka

”Cudurkaan Somali badan oo Norway degan ayuu ku dhacay ee Alle haka caafimaadiyo dadka inta badan wey qarsanayaan cudurka oo baaritaanka ayey ka cabsanayaan. Walaalayal guryaha jooga hadaad xanuun iska dareentaan oo dadka kale ka badbaadiya cudurka.” ayuu ku dardaarmay Xalane.

Markale asxaabta ehelka iyo dhamaan Soomaalida isoo duceysay waan u mahadcelinayaa kheyr badan Allaha idin siiyo Alle na dhinac ha idin kamariyo cuduro oo dhan.

Hadalsame Media