Dayuuradda Ethiopian Airlines oo dhowr jiiro ku gashay ”xadka” kahor intii aanay ka degin magaalada Hargaysa (Arag jaantuska raadaarka)

0

(Hargaysa) 21 Maarso 2020 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo goordhow la hadlay Radio Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in si ku meel gaar ah loo fasaxay duulimaadyada caalamiga ah ee imaanaya dalka muddo laba maalmood ah si loo soo qaado mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoomada diyaaradaha dalalka Caalamka kadibna uu sii socon doono go’aanka xayiraada duulimaadyada caalamiga ah si looga hortago cudurKa COVID19.

Haddaba, dayuuradda Ethiopian Airlines ayaa saaka tagtay oo ka degtey magaalada Hargaysa oo aanay aadin labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Yeelkeede, sida ka muuqata raadaarka waxay dayuuraddani muddo 40 daqiiqo ah ku noqnoqonaysey ”xadka” Itoobiya iyo Somalia, iyadoo kaddib ka degtey magaalada Hargaysa.

Arrintan ayaa loo fasiray inay dayuuraddu sugaysey go’aankan oo horay loogu wargeliyey EA, balse weli ma jirto faahfaahin arrintan ku saabsan.

Hadalsame Media