4 qodob oo muujinaya inay XF aad ugu deg degtey dib u furista HAWADA (Sabab?)

0

(Muqdisho) 21 Maarso 2020 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo goordhow la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in si ku meel gaar ah loo fasaxay duulimaadyada caalamiga ah ee imaanaya dalka muddo laba maalmood ah si loo soo qaado mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoomada diyaaradaha dalalka Caalamka kadibna uu sii socon doono go’aanka xayiraada duulimaadyada caalamiga ah si looga hortago cudurKa Covid-19.

Ha yeeshee, dad badan ayaan fahmin dib u furidda hawada iyagoo soo daliishadey sababo ay ka mid yihiin:

1 – In Somalia aysan u baahnayn inay casuunto caabuqa coronavirus maadaama ay duullimaadyadu ka imanayaan wadamo uu cudurku ka jiro ama aad ugu dhuftay. Waxaa dheer inaysan Soomaalidu lahayn hab-raac wanaagsan oo dhanka faya-dhowrka ah, iyadoo ay u badan tahay in la fududaysto tilmaamaha ay xirfadleeydu bixiso.

2 – Somalia oo aan lahayn qalab wax lagu baaro oo wax ku ool ah iyo kaabayaal caafimaad oo mug leh, jeer uu caabuqani ka saa’id caleeyey dunidii hormartay. XF ayaa soo sawirtay dhowr sariirood oo meel la dhigay, kuwaasoo aan xitaa lahayn tiro iyo tayo ku filan.

3 – Haddii ay Somalia ku dayanayso dalalka qaar oo fasaxay inay dalka soo geli karaan muwaadiniinta jooga dalalka kale oo qura, tusaale, sida Sweden, waa dalal leh hannaan caafimaad oo cudurka la tacaali kara isla markaana leh qaab-dhismeed iyo abaabul bulsho oo shaqaynaya.

4 – Haddii ay dalka soo galaan dad cudurka sida balse aan lahayn astaamihii cudurka, taasoo dhici karta xitaa haddii qofka la karaantiilo, waxay taasi noqonaysaa BAMBO WAQTIYAYSAN maadaama uu qofkani cudurkii gaarsiinayo dad badan, kuwaasoo iyaguna sii gaarsiinaya qaar kale.

Maqaal lagu qoray Al Jazeera ayaa lagu sheegay in, Ilaahay naguma keenee, haddii uu cudurkani Somalia ku dhufto ay xitaa ka darnaan doonto Shiinaha, Talyaaniga iwm, sidaa darteed, dad badan ayaa talo xumo, mas’uuliyad darro iyo deg deg ku tilmaamay hawadan dib loo furay oo la tuhunsan yahay inuu QAADKU saamayn ku leeyahay qayb ahaan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media