Somalia oo muddo 30 sano ka badan uu hal go’aan maanta ka hirgalay!

0

(Muqdisho) 19 Maarso 2020 – Dalka Somalia ayaa markii ugu horreeysey muddo 30 sanadood ka badan waxaa ka hirgalay go’aan ay soo saartay dowlad Soomaaliyeed.

DF Somalia ayaa 3 maalmood kahor ku dhawaaqday inay si rasmi ah u joojisey duullimaadyadii ka baxayey ama soo gelayey dalka Somalia marka la gaaro 19-ka Maarso.

Go’aankaa ayaa haddaba maanta gebi ahaanba ka hirgalay dalka Somalia oo dhan min Loowya Caddo ilaa Raas Kiyambooni.

Laba dayuuradood oo caalami ah oo kala ah Fly Dubai iyo Ethiopian oo Hargaysa iman lahaa maanta ayaa go’aankan dartii u baaqday, kaddib markii ay midna dib u celisey Hay’adda Duullimaadka Hawada ee Rayidka ah ee SCAA, midna ay rukhsadda degitaanka u diiddey.

Arrintan ayay dad badani u arkaan in ugu dambayn la helay Dowlad Soomaaliyeed oo wax laga waydiiyo hawada dalka, waxaanay sidoo kale kusoo beegmaysaa xilli ay Somalia sidoo kale rasmi usoo ceshatey baaqa maraakiibta oo muddo dheer gacanteeda ka maqnaa.

Hadalsame Media