RASMI: MW Puntland oo booqasho ku tegaya magaalada Muqdisho

0

(Garoowe) 19 Maarso 2020 – MW Puntland ee Siciid Deni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu booqan doono caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Booqashadan ayaa kasoo baxday oo uu Deni kaga dhawaaqay shir Khamiiseedkii Gole Wasiireedka heer gobol ee maamulka Puntland oo sidoo kale lagu soo qaaday tillaabooyinka caabuqa corona.

Booqashadan ayaa la sheegay inay salka ku hayso heshiis afgarad ah oo lagu gaarey kulan dhex maray Wasiirrada DF ee ka qayb galay shirkii Garoowe iyo Deni.

Md Deni ayaa sidoo kale shaaciyey inuu booqan doono caasimadaha maamullada kale, lama se sheegin waxa uu kala hadlayo.

Booqashadan oo imanaysa xilli uu meel xun gaarey khilaaf uu horseed ka yahay Deni laftiisu, ayaa la sheegay inuu sidoo kale ka dhashay cadaadis Deni uga yimid waxgaradka iyo dadwaynaha Puntland oo aan la dhacsanayn qaabka uu wax u wadey tan iyo markii xilka loo dhaariyey.

Weli lama sheegin goorta ay booqashadani dhacayso, balse waxay wararku sheegayaan inuu Xamar tegi doono maalmaha yar ee soo aaddan, haddii Alle idmo.

Hadalsame Media