Turkiga oo sameeyay qori casri ah oo DAROONKA lagula dagaallamayo (Dalab caalami ah)

0

(Istanbul) 19 Maarso 2020 – Dalka Turkiga ayaa sameeyey qorigii ugu horreeyey ee ku shaqeeya aaladda electromagnetic-ga oo loogu tala galay in lagu dilo daroonka, kaasoo ay samaysay Harp Arge (R&D).

Hannaankan oo lasoo bandhigay iminka ayuu cufkiisu yahay 2.5-kg (5.5-rodol) waana daroon dile ku shaqeeya tiknolojiyaddii u dambeeysey ee anteenada, isagoo aad u culays iyo cabbir yar.

Qorigan oo ah ES-60 Electromagnetic Anti Drone Gun, ayaa loo naqshadeeyay inuu daroonka ku furo tashwiish xawaare sare ku socda oo electromagnetic ah, taasoo daroonka u diidaysa inuu si saaxi ah u shaqeeyo.

Hay’adda Harp Arge ayaa sheegtay inay qorigan fudud ee daroon dilaha ah oo wax ka bartilmaameedsan kara masaafo dhan 3-kilometer (1.86-mile) uu wax badan ka qaban karo daroonnada yar yar ee foowdada ah, sidii kuwii beri dhowayd fariisiyey garoomada Ingiriiska.

Qorigan oo ay tijaabiyeen ciidamada Turkiga ayaa waxaa durba soo dalbaday dalal uu ka mid yahay Azerbaijan.

Hadalsame Media