DEG DEG: Dayuuradda Ethiopian Airlines oo aan imanin xilligii laga sugayey magaalada Hargaysa

0

(Hargaysa) 19 Maarso 2020 – Tiiyoo ay jireen warar hore oo sheegayey inay si caadi ah u furan tahay ”hawada Somaliland” misna waxaa baaqatay dayuuraddii 2-aad ee caalami ah ee Hargaysa tegi jirtey.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargaysa ayaa sheega in duulimaadkii diyaaradda Ethiopian Airlines oo laga sugayeu magaalada Hargeysa aanay maanta soo degin.

Hilinka SAAB ayaa sheegay in rakaabkii sugayay inay diyaaraddan raacaan loo sheegay in aanu jirin wax duulimaad ah.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa Hargaysa tegi jirtey saakay oo kale barqaddii marka ay aminta maxalliga ihi tahay 11:00.

Ilaa iminka ma jiro wax war ah oo dheeraad ah oo kasoo baxay Ethiopian Airlines iyo xukuumadda Somaliland toona.

Mar sii horreeysey oo maanta ah ayaa la sheegay in Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah ee Somalia ay Hargaysa ka celisey dayuuradda Fly Dubai.

Hadalsame Media