Jaadka oo dagaal sokeeye ka ridey Kenya (Ismaamullo ka tirsan Kenya oo joojiyey)

0

(Nairobi) 19 Maarso 2020 – Barasaabka Degmada Mandheera, Ali Roba ayaa horay u mamnuucay in halkaa iyo tuulooyinka hoos yimaada Qaad la keeno ama xitaa la marsiiyo, kaddib markii Kenya laga sheegay cudurka Covid-19.

Waxaa kaddib soo raacay Barasaabka Maxamed Cabdi oo ah Barasaabka Wajeer, wuxuuna sheegay inuu sidaa u yeelayo si uu u ilaaliyo caafimaadka dadwaynaha ku nool ismaamulkiisa.

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa soo jeediyey inay tillaabadaa soo raacaan Ismaamullada kale ee Woqooyi Bari iyo degaannada u dhow.

Wuxuu soo jeediyay Barasaabyada Mombasa, TR,Lamu, Marsabit, Nbi, Isiolo & Kilifi inay iyaguna joojiyaan Jaadka, si ay u badbaadiyaan nafta dadwaynaha, sida uu yiri.

Saas oo ay tahay waxaa jira maamullo ka tirsan Somalia oo aan weli jaadka joojinin.

Hadalsame Media