Dayuuradda Fly Dubai oo ”laga celiyey” hawada Somalia (Cidda celisey?)

0

(Hargaysa) 19 Maarso 2020 – Warar kasoo baxaya dhanka Somalia ayaa sheegaya in dayuuradda Fly Dubai laga celiyey magaalada Hargaysa.

Dayuuraddan ayaa la sheegay inay Hay’adda Duullimaadyada Rayidka Soomaaliyeed ee SCAA ay rukhsadda soo gelista hawada Somalia u diiddey.

Yeelkeede, warar kale ayaa sheegaya inay Imaaraadku iskood u joojiyeen duullimaadyada ka baxaya ama soo gelaya dalkooda.

Balse, xilliga uu dhaqan gelayey hakinta Imaaraadku wuxuu ahaa duhurkii 12:00 duhurnimo, welina lama gaarin goortii dayuuraddan laga celinayey hawada Somalia.

Hay’adda SCAA iyo Somaliland midkoona wax war ah oo rasmi ah kama soo saarin arrintan.

Hadalsame Media