Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Somalia oo laga dhacay ku dhowaad $60 milyan oo doollar (Sidee?)

0

(Nairobi) 15 Maarso 2020 – Xildhibaanno daraasiin ah oo ka tirsan Baarlamanka Somalia, ganacsato iyo qurba joog Soomaali ah ayaa la sheegay in malaayiin doollar looga dhacay hannaanka Forex loo yaqaanno.

Hannaankan oo dadka loogu sheego ”jiif oo jaq” oo ah aragti ma shaqaystannimo dhiirri gelinaysa, ayaa laga dhacay lacag ku dhow $60 milyan oo doollar.

Dadkan malaayiinta laga dhacay ayaa lacagohooda ku shubay shirkad iskugu sheegtay inay sarrif danabeedka ku shaqaysato oo ka furnayd agagaarka Eastleigh, waxaana la sheegay in ninkii lacagtooda u laba-laabi lahaa isagii oo dhanba la la’yahay haatan, waana midda keentay inay faruuryaha qaniinaan, jeer ay qaarkood qaamo badan galeen.

Sida ay ilaha qaar sheegayaan waxaa dadkan laga dhacay $59 milyan oo doollar, iyadoo ay soo badanayaan dadka lagu dhacay hannaanka burcadnimada abaabulan ah ee loo yaqaan Ponzi scheme, iyagoo aan weliba wax sharci ah u haysanin lacagtooda ay lumiyeen, maadaana aanu jirin xeer iyo qandaraas lakala qorto oo tixraac sharci leh.

Hadalsame Media