Dowladda Kenya oo sharraxaad ka bixisay sababta uu u baaqday kulankii Somalia-Kenya-Itoobiya

0

(Nairobi) 15 Maarso 2020 – Kenya ayaa kansashay kulan heer sare ah oo dhex mari lahaa Kenya-Somalia-Ethiopia kaasoo ku qabsoomi lahaa Madaxtooyada Kenya ee Mombasa maanta (Axad).

MW Kenyatta ayaa lagu wadey inuu marti geliyo dhiggiisa Somalia Maxamed Farmaajo iyo RW Ethiopia Abiy Ahmed si looga wada hadlo xiriirka sii xumaanaya ee Nairobi iyo Muqdisho.

Kenya ayaa sheegtay in sababta kulankan loo baajiyey daqiiqaddii ugu dambeysey ku sheegtay inuu cudurka corona uu soo caga dhigtay dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Wasaarad Dibadeedka Somalia ee Dowladda Kenya ayaa sheegtay in kulanka loo hakiyey  “duruufo aanay iyagu faragelin karin, sidaa darteed aanu dhici karin shirkii horay loo qoondeeyay”.

Hadalsame Media