Wasiir Cawad oo Puntland ugu baaqay inaysan ku ad-adkaanin Dowladda Dhexe (MW Puntland oo uu Muqdisho ku casuumey)

0

(Garoowe) 15 Maarso 2020 – Wasiir Dibadeedka Somalia, Axmed Ciise Cawad, ayaa khudbad uu ka akhrinayey Shirka Wada-tashiga Puntland wuxuu kaga hadlay talooyin uu siinayey maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in maadaama ay Puntland tahay maamul asal ahaan loo dhisay in maxalli ahaan loo kala badbaado, qarankii Soomaaliyeedna saldhig loogu noqdo ay middaa ka dhabeeyaan oo ay taban taabaan qaranka Somalia oo maanta ay soo kabashadiisu meel wanaagsan marayso.

”Siyaasaddu waa fankii xeer-jajabka, si aan qofna waxa u dhan u qaadan, qofna uusan u qadin” ayuu yiri Md Cawad.

Wasiirka ayaa maamulka Puntland u jeediyey inay wixii tabasho ah mariyaan toobinnada saxda ah.

”Caqabadaha ay sheeganayaan in lagu sheego si wadajirkii iyo walaalnimadii umadda Soomaaliyeed aan wax yeelayn. Waa inaan idaacadaha war la isu marin.” ayuu daba dhigay.

”Waxyaabaha dagaallada ka dhasha waxaa ka mid ah aaminaad la’aan iyo kalsooni la’aan, marka waa in kalsoonidii umadda dib loosoo celiyo. Waxaan sugaynaa in MW Puntland uu Muqdisho yimaado.” ayuu soo jeediyay Wasiir Cawad.

Hadalsame Media