(Hadalsame) 15 Maarso 2020 – Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay daqiiqaddii ugu dambeysey baajisay kulan 3-geesood ah oo dhexsan lahaa dalalka Kenya-Somalia-Itoobiya oo ku qabsoomi lahaa magaalo maarsada Mombasa, cudurka corona dartii.
Wasaarad Dibadeedka Dowladda Kenya ayaa sheegtay in kulanka loo hakiyey “duruufo aanay iyagu faragelin karin, sidaa darteed aanu dhici karin shirkii horay loo qoondeeyay”.
Haddaba, Somalia ayaa iyada oo aan cidna u eedoobin waxay si dadban Kenya u tusi kartaa muhiimadda dhaqaale ee ay Somalia leedahay, iyadoo ugu yaraan si KMG ah u hakinaysa jaadka oo ay malaayiin shilin Kenya ka hesho.
Jaadka oo ay soo guraan dad iska dan yar ah isla markaana aan lahayn hab-raac caafimaad oo ay ku shaqeeyaan ayaa gacmo badan isu mara, iyadoo ay dad badani ku hindhisaan, ku qufacaan ama gacmo wasakh ah ku qabtaan, taasoo ka dhigan in xitaa haddii aanu fayrus wadin uu yahay hooygii jeermiska.
Somalia ayaa iyada oo daliishanaysa caabuqa corona, oo ay Kenya lafteedu shir caalami ah u baajisay, waxay haysataa fursad wayn oo waaqici ah oo ay Kenya wax ku tusi karto, sidaa darteed, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa DF usoo jeediyay inay hakiso Qaadka ilaa amar dambe.
Kenya, which has been dictating when and if leaders of #Kenya and #Somalia should meet, has cancelled the planned summit between the two once again. pic.twitter.com/oSpsq8OS8V
— African Protocol (@africaproto) March 15, 2020
Hadalsame Media