Sida uu caabuqa corona Somalia kusoo geli karo oo la sheegay & DF Somalia oo iska indha tiraysa

0

(Hadalsame) 15 Maarso 2020 – Somalia ayaa weli ka mid ah dalalka yar ee aan weli laga soo sheegin caabuqa corona ee caalamkii wareeriyay, waloow qayb ahaan aan sidoo kale la isku hallayn karin tirakoobka caafimaad ee dal aan lahayn daryeel caafimaad oo wax ku ool ah.

Waxaa la bilaabay tillaabo iska tusaale ah oo dadka garoomada kasoo degaya looga cabbirayo heer-kulka, balse taasi waxba tari mayso haddii aanad lahayn tas’hiilaad caafimaad oo aad wax ku dawayso, gaar ahaan qaybaha daryeelka deg degga ah ee ICU-ga oo mug, qalab iyo qaad ku filan leh.

Yeelkeede, Somalia waxay baylah markasta u tahay cudurka maadaama aanu jirin nidaam isku xiran oo hal meel ka amar qaata iyo madaxda Soomaalida oo aan inta badan lahayn astaan hoggaamineed, khibrad, rabitaan iyo ku dhac ay arrintan ku wajahaan.

Africa Protocol ayaa qoray in sida ugu dhow ee uu cudurkani Somalia ku iman karaa ay tahay qaadka kaga imanaya dalalka deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya oo cudurka laga sheegay.

Jaadka oo ay soo guraan dad iska dan yar ah isla markaana aan lahayn hab-raac caafimaad oo ay ku shaqeeyaan ayaa gacmo badan isu mara, iyadoo ay dad badani ku hindhisaan, ku qufacaan ama gacmo wasakh ah ku qabtaan, taasoo ka dhigan in xitaa haddii aanu fayrus wadin uu yahay hooygii jeermiska.

Haddaba, DF Somalia ayaa loogu baaqayaa inay qaadka ugu yaraan hakiso waqti xaadirkan, weliba sida ugu dhaqsaha badan, si ay dadkuna uga nastaan, kuwa aan cuninna ay uga welwel la’aadaan.

Hadalsame Media